Xaalada Deegaanka Husingoow oo maanta degan

0
50

dagaal81Xaalada degenaansho ayaa saaka laga dareemayaa deegaanka Husingoow ee ka tirsan Gobalka Jubadda hoose kadib dagaal shalay ku dhexmaray ciidanka Axmed Madoobe ee ku sugan deegaankaasi iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii shalay kadib dadka deegaanka ay saaka ilaa xalay ay dareemayaan nabadgalyo aan sidaasi usii badneyn maadaama dhinacyadii dagaalamay ay Magaalada kuwada sugan yihiin.

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo ah mudane ka tirsan aqalka Baarlamaanka sidoo kalena kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanka lagu dagaalamay.waxa uu sheegay in dadka shacabka dushooda lagu dagaalamay oo khasaaro la gaarsiiyay,arintaasina ay aad uga xun yihiin.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Axmed Madoobe ayuu sheegay in hadii ay dagaalamayaan aysan wanaagsaneyn in shacabka dushooda ay ku dagaalamaan oo dhibaato ay shacabka soo gaarto.

Daafeet.Com