Hoobiyeyaal ayaa xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho iyadoo ay saaka ka socdaa degmooyinka Hodan iyo Holwadaag baaritaanno lagu soo qabtay boqolaal qof.
Hoobiyeyaashan oo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ku dhaceen afaafka hore ee xarunta madaxtooyada iyo goobo ku dhowdhow sida xarunta nabadsugidda Qaranka.
Inkastoo aysan jirin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo duqeymahan ka hadlay ayaa haddana waxay kusoo beegmayaa xilli ay magaalada Muqdisho ka socdeen howlgallo lagu raadinayo kooxaha xiriirka la leh Al-shabaab.
Madaafiicdan ayaa la sheegay inay tiradoodu ahayd afar madfac oo laga soo tuuray qaybo ka mid ah Muqdisho, waxaana mas’uuliyadda duqeymahan durba sheegatay Al-shabaab oo sheegtay inay weerartay madaxtooyada Soomaaliya.
Daafeet.Com