Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay shalay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay muddo sanooyin ah gacanta ku haysay Al-shabaab.
Deegaannada ay ciidamada dowladdu la wareegeen oo afar deegaan oo hoos-taga degmooyinka Qoryooley iyo Aw-dheegle ayaa waxaa ka mid ah Furuqley oo isku xirta degmooyinka Qoryooley, Wanlaweyn iyo Afgooye oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen ayaa sheegay inaysan jirin wax iska-horimaadyo ah oo dhacay ayna ciidamada dowladda iyo kuwa wehlinayay si nabadgalyo ah ku galeen deegaannadooda.
Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda Soomaliya ayaa sheegay inay tani hordhac u tahay tallaabooyin ay kula wareegayaan deegaannada gobolkaas ay kaga sugan tahay Al-shabaab.
Daafeet.Com