Haweeney lagu gowracay Gaalkacyo iyo Taliyaha Booliiska Baydhabo oo ka warbixiyay dil halkaas ka dhacay.

0
46

bilaawe

 

 

 

 

Waxaa habeenimadii xalay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee hoostagta maamulka Gal-Mudug lagu Gowracay Haweenay ka mid ahay dadka Barakacayaasha ee degan xerada Warsan laguna magacaabi jiray Shukri Xaashi Warsame.

Haweenaydaan oo haysatay ilaa Sideed caruur ah oo ay dhashay mid ahaan laba bil jir ahayd ayaa waxaa falkan gowraca ah u gaystay ninkeedii oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Muuse Maxamed xili waqti danbe oo habeen isagoo falkan gowraca ahna u adeegsaday mindi xili haweenaydan ay dhex huruday gurigeeda.

Harjoogaha xerada Warsan ee falkan Gowraca ahi uu ka dhacay oo lagu magacaabo Maryan Maxamed Geedi ayaa saxaafada u sheegtay in dilka ka hor ay Haweeneydan iyo ninkeeda ay murmeen ka dibna uu tooray la dul tagay uuna dhowrjeer ku dhuftay ka dibna baxsaday.

Falkan ayaa waxa uu noqonaayaa falkii labaad oo noociisa ah ee Soomaaliya uu ka dhaco habeen kaliya iyadoo nin lagu magacaabi jiray Cabdirasaaq Mursal Saney uu Xaaskiisa Khadiijo Salaad Xasan oo lix caruur ah u haysay misna uur sagaal bilood ah lahayd uu ku dilay magaalada Baydhabo isna uu is dilay.

Halkan ka dhegayso Dilka Gaalkacyo

dili

Halkan ka dhegayso Taliyaha Booliiska gobolka Bay Coll Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka warbixinaya sida ay wax u dheceen

bb