Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa ka hadlay qorshaha xukuumaddiisa ee ku aaddan waxbarashada mustaqbalka ee dalka Soomaaliya.
Raysul wasaaraha oo shalay khudbad ka jeediyay shir-weyne looga hadlayo horumarinta waxbarashada Soomaaliya oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ilmo kasta oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay inuu helo waxbarasho lacag la’aan ah ilaa heer dugsi sare, loona baahan yahay in sidii arrinta loo hirgelin lahaa ay ka tashadaan dowladda iyo shacabka.
Shirdoon ayaa xusay in xukuumaddu ay qorsheyneyso in mustaqbalka dhow miisaaniyadda ugu badan ay ku bixin doonto waxbarashada dalka iyo dhallinyarada. Waxa uu xusay in dib loo furayo jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.
Wuxuu kaloo xusay in qorshaha xukuumadda ee horumarinta waxbarashada dalku ay ku jirto in la banneeyo dugsiyadii waxbarashada dalka ee lagu dhisay si Iskaa-wax-u-qabso ah xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, isagoo ugu baaqay dadka deegaansaday dugsiyadaasi inay isaga guuraan sida ugu dhaqsaha badan.
Daafeet.Com