Wefdi uu Hogaaminaayo Gudomiye Kuxigeenka Kowaad ee Barlamaanka oo ka qeyb galaya Shirka ACP-EU

0
42

jeylaniWafdi ka socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah ka qeyb galay shirka baarlamaannada Africa iyo Midowga Yurub ee ACP-EU oo ka furmay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Wafdiga ka socda baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Jaylaani Nuur Iikar, waxaa kaloo socdaalkiisa ku wehliyey  guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, xildhibaan Maxamuud Cabdi Xasan , iyo Maxamed Xasan Cawaale oo ah la taliyaha guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa lagu wadaa in ay shirka horgeeynayaan horumarradii ugu dambeeyey ee uu ku talaabsaday baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu horreyn uga mahad celiyey dowladda Belgium iyo madaxda Midowga Yurub sida heerka sare ah ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga ka socda baarlamaanka Soomaaliya.

Daafeet.Com