Shaley ayey aheyd kolkii Xarakada Al-shabaab oo weerar ay dhowr qof oo shaqaale ah oo ka tirsan hay’adda UNDP iyo dad rayid ah ku dhinteen ku qaadday xarunta Hay’adaha Qaramada ee Muqdisho ayaa ku goodisay inay sii wadayso weerarrada ay la beegsanayso goobaha ay daggan yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ku yaalla.
Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab ayaa sheegey in ey doonayaan iney ka sifeeyaan Galada dhulka Muslimiinta, isagoo intaas ku daray. “Inta aan hadafkeenna ka gaarayno gaaladu kuma heli doonaan amni magaalada Muqdisho iyo dhulalka kale ee Islaamka. Ma ahan maanta ama berri, balse waxaa inta dhulka islaamka oo dhan aan ka saarayno.”
C/krashiid Xaashi oo ka mid ah saraakiisha machadka Heritage ee saldhiggiisu yahay Muqdisho ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay dayacday ammaanka guud ee Muqdisho, taasna ay sabab u ahayd inay Al-shabaab weerarkii shalay la beegsato xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.
Hanjabaadda Al-shabaab ayay madaxda dowladda ku sheegeen mid aanay ku gaarayn wax guul ah, iyagoo ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan sidii ay ku heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo deggenaasho horumar leh.
Daafeet.Com