Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo maanta yeeshay kulan uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu ansixiyay magcaabista shan safiir oo cusub.
Danjirayaasha la ansxiyay ayaa waxay kala yihiin: Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Cali Saciid Faqi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgium iyo Midowga Yurub, Nuur Faarah Xirsi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia iyo Saciid Nuur Yuusuf oo horay u ahaa danjirihii Soomaaliya ee Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa magcaabista safiirrada ku tilmaamay inay ka mid tahay qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka dublamaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka.
“Tallaabadan waxay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka dublamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dar-dar-gelinta shaqada ergada dublamaasiyadeed ee Soomaaliya u jooga caalamka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu Saacid.
Daafeet.Com