Dowladaha Ingiriiska, Ayrland, South Afrika, Kenya iyo Itoobiya oo siyaabo kala duwan uga hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa iyo dagaalkii daba socday ee shalay lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay uga dhinteen dad u dhashay dalalkooda oo u shaqeynayey hay’adaha Qaramada Midoobay.
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in qarixii shalay iyo dagaalkii xigay ee lagu qaaday xarunta UNDP ay uga dhinteen sedex ruux oo muwaadiniinteeda ka mid ah, waxayna intaasi ku dartay in dadkaasi lagu layahay nolol iyo geeri, kuwaas oo ay sheegtay dowladdu in markii ugu wardambeysay ay ku jireen gudaha xarunta hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP-da.
Sidoo kale dowladda Ayrland oo iyana ka hadashay dhacdadii shalay ka dhacday Muqdisho ayaa waxay sheegtay in qaar ka mid ah muwaadiniinteeda oo dhinaca ammaanka Qaramada Midoobay u qaabilsanaa ay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP-da, waxayna intaasi ku dartay dowladda Ayrland inaysan cabsi gelin doonin weerarada noocaasi oo kale ah.
Dhinaca kale dowladda South Afrika oo iyana qaraxa ka hadashay ayaa sheegtay in labo ka mid ah shaqaalahooda ay ku dhinteen midna ku dhaawacmey, waxayna xustay in labadaasi nin ay la shaqeynayeen hay’ad dhinaca amaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Dhanka kale dowladda Kenya oo iyana si kulul uga hadashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee UNDP-da iyo dagaalkii xigay ee lagu qaaday ayaa waxay sheegtay in sedex ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku dhinteen qaraxaasi.
Ugu dambeyntii dowladda Itoobiya oo ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah muwaadiniinteeda oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay ay dhaawacyo iyo dhimasho ka soo gaartay weerarkaasi.
Daafeet.Com