Shirka Baarlamaanada Carabta ee ka dhacay magaalada Qahira ee dalka Masar ayaa looga hadlay arimaha dalka Somaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo qeyb ka ahaa xubnihii Baarlamaanka Soomaaliya u matalayay Shirka ayaa ka warbixiyay arimhii Soomaaliya qoseeyay ee lagu soo qaaday shirka, waxa uuna sheegay in shirka qodobadii kasoo baxay ee Soomaaliya ka qoseeyay ay ugu mihiim sanaayeen in Soomaaliya laga taageero dhinac weliba oo ay kamid tahay amniga, siyaasada iyo dhaqaalaha iyo dib u dhiska.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa aya sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Carabta ay isla gateen in mudnaan gaar ah lasiiyo wadamo ay Soomaaliya kamid tahay kuwaasi oo shir dhaqaale loogu ururinayo la qabto.
Wadamada carabta ayaa taageero u muujinaya Xukuumadda Soomaaliya oo dadaal ugu jirtay in dalka ay kusoo celiso nidaamkii iyo kala dambeyntii ka jirtay taasoo loo baahan yahay in dadaal dheer loo maro si loo helo nabadgelyo waarta.
Daafeet.Com