Dareeska Ciidanka Milateriga Somaliya oo noqdey mid si fudud lagu helo iyo Wasarada Gashandhiga oo sheegtey iney wax ka qaban doonto

0
66

milateriWasiir ku-xigeenka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi ayaa sheegay inay wasaaraddu xakameyn doonto xirashada dharka ciidanka, si looga hor tago dadka ku soo dhuunta labbiskaas ee dhibaateeya shacabka.

Cabdiraxmaan Kulmiye oo la hadlay warbaahinta dowladda wuxuu xaqiijiyay inay wasaaradda gaashaandhigga is-hor-taagi doonto in suuqyada ku yaalla goobaha ay dowladda maamusho lagu iibiyo tuutaha cusub ee ciidamada dowladda.

Dhinaca kale, wasiir ku-xigeenka wuxuu sheegay in iyagoo kaashanaya maamulka gobolka Banaadir ay ku howlan yihiin sidii looga hor tagi lahaa weerarro argagixiso oo uu xusay inay Al-Shabaab qorshaynayso.

Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey ee lagu waxyeeleeyo shacabka dareeska cidanka dowlada,Ttaasoo aad moodo in Wasaarada Gaashaandhiga eysan xakameyn karin dharka ciidanka milategisa ee lagu iibinaayo suuqyada Magalada Muqdisho.

 
Daafeet.Com