Ganacsato soomaaliyeed oo lagu dhacay Magalada Cape Town ee Dalka Koonfur Africa

1
55

dhacIn ka badan  toban dukaan oo intooda badan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu boobay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay xaafadda Kraafontein ee ku taalla duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo loo geystay dadkii lahaa ganacsigaas oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi, waxaana ciidamada boolisku ay ka caymiyeen goobaha ganacsi wixii ka haray inay alaabahooda iyo naftoodaba kala cararaan halkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ay halkaasi ka jirey bannaan-baxyo ay shacabka xaafaddaasi dhigayeen, kuwaaso ay kaga soo horjeedaan in dowladdu ay halkaas ka dhistay guryo loogu tala-galay in ay dagaan dadka dan-yarta ah ee an haysan guryo ay ku noolaadaan oo ay dowladdu soo dajisay dad kale oo laga soo raray xaafado kale.
Bannaan-baxayaasha ayaa ku doodayay in xaafadda Krafontein ay horay u daganaayeen dad an haysan guryo ay ku noolaadaan, iyadoo dibadbaxayaashu ay xanaaqoodii kala dul dhaceen dadka ajaanibta ah ee ganacsiyada ku dhex haysta halkaasi.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa badankoodu waxay halis ugu jiraan in la dilo ama la dhaco marka loo eego goobaha iyo xaafadaha ay ku ganacsadaan oo ammaankoodu aad u liito, iyadoo bilihii lasoo dhaafay ee sannadkan Soomaali badan loo geystay dilal arxan-darro ah iyo boob hantid oo saf mar ah oo ka dhacay gobollo kala duwan.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Inna Lillaahi Wa inn Ilayhi rajicuun. waxaan u malaynaya in soomaaliya musiibada ay ku noqnonayso, waxay u badan tahay awalba maal xool xaaraan ay ku shaqeynayaan, waayo haddii ahaan lahayd xoolo iyagaba way damqi lahaayeen arlu llaahi waasicatun way ka tegi lahaayeen uma joogeen maal iyo naftana ku beelaan, suubanaha waxuu yiri ninka mu’minka laba jeer godka lagama qaniine walalaayaal ka tagga nafta u qaalisanee xoolo waa la heli ee qof uurka hooyadeed xoolo ama hanti la soo baxay ma jiraan

Comments are closed.