Madaxweynaha Koofurta Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlay dilalka waddankiisa loogu geysto dadka ajaanibta ah ee ku nool oo ay Soomaalidu ka mid tahay ayaa sheegay inaan wax dhibaato ah lagu heynin ajaanibta ku sugan dalkiisaa.
“Ajaanibta ku nool Koonfur Afrika dhammaantood si isku mid ah ayaa loola dhaqmaa, Soomaalidana waxba kuma duwna kuwaas, ilama aha inay la kulmaan dilal iyo dhibatooyin kale, balse waxaan qirayaa inay jiraan weeraro mararka qaar ay la kulmaan, kuwaasina xal ayaa loo heli doonaa,” ayuu yiri madaxweyna Koonfur Afrika.
Sidoo kale, Zuma oo su’aalo dhowr ah laga weydiiyay dhibaatooyinka lagu hayo dadka ajaanibta ah ee dalkiisa ku nool ayaa xusay in hadalka sida loo dhigayo uusan ahayn, iyaguna ay dadaal u galayaan sidii dhibaatooyinka jira loo xallin lahaa.
“Ma ahan mid la qarin karo in weerarro ay ka dhacaan gobollada ay dadka aan dalkan u dhalan ku nool yihiin, balse taas xal ayaan u raadinaynaa, waa in la joojiyaan ka badbadinta arrintan,” ayuu Zuma kaga jawaabay su’aal ay u soo jeediyeen mudanayaasha qaarkood oo ahayd in dadka ajaanibta ah six un loogu dilo dalkaas laguna boobo hantidooda.
Hadalka madaxweynaha Koonfurta Afrika ayaa walaac hor leh ku beeraya dadka Soomaalida ah iyo ajaanibta kale ee dalkaas ku nool, kuwaasoo horay ula kulmay dhibaatooyin kala duwan oo ay kula kaceen, dadka dalkaas u dhashay iyo weliba kooxo burcad ah.
Daafeet.Com