Dowlada Britain ayaa shaacisay inay wado qorshe ay ku dooneyso inay Soomaaliya kaga hirgiliso Xabsi iyo Maxkamad suurta gal ka dhiga in lagu Xukumo dadka inta badan lagu soo eedeeyo falalka isugu jira Argagixisada iyo Burcad badeednimada kuwaasi oo hada aanay jirin meel si rasmi ah Maxkamad loogu saaro,sida Xukuumada London ay sheegtay.
Xukuumada Britain ayaa sheegtay inay ku qarash gareneyso lacag gaareysa 14 Millon oo lacagta Boundka,si loo helo Xabsi lagu xiro dadka lala xiriirinayo waxay ugu yeeraan Argagixisinimo iyo burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo hada Maxkamadeyntooda iyo xabsigooda uu ka dhaco wadamo shisheeye.
Hay’ada Qaabilsan cadaalada ee ka dhisan dalka Britain ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Soomaaliya ka dib kaga dhiseyso xabsigii hore ee dalka,kaasi oo markiiba lagu haayn karo dadka gaaraya 700.
Dowlada Britain ayaa ka digtay in si xad dhaaf ah loo buuxiyo xabsiga oo ay goostaan Maxaabiista danbiyada adag ku eedeysan,waxayna hoosta ka xariiqday in ilaalo gaar ah loo yeeli doono.
Daafeet.Com