Shir jaraa”id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Eelada wiil Maxkamada gobalka Banaadir ay diyadiisa u xukmisay labo milyan ayaa ka hadlay Cadaalad Daro lasheegay in ay kajirto Maxkamadda gobalka Banaadir.
C/kheyr Sheekh oo adeer u ah wiilka la dilay oo ay Maxkamada gobalka Banaadir ay Magtiisa ka dhigtay Labada malyan ayaa shirka Jaraa”id uga hadlay Arimo dhowr ah oo la xiriira Hadalka kasoo yeeray Gudomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure.
C/kheyr Sheekh Soofo oo shirka Jaraa”id ka hadlayeey ayaa sheegay in Maxkamada gobalka Banaadir aysan qaadin wax Dacwad ah Balse u warqado so saxiixday Xaashi cilmi, wuxuu sheegay in Diyayada ay u taal isla markaasna ay Saxiixaan odayaal Balse aysan shaqo ku lahayn Maxkamada.
Wuxuu sheegay in dad badan oo kasoo jeeda gobalada Bardheere ay Cadaalad daro kala kulmeen magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka isla markaasna Tani ay ahayn midii Ugu horeysay ee ku dhacda Qoyskooda.
C/kheyr Sheekh Ayaa sheegay in ay la yaaban yihiin Shirka jaraa”id ee u shalay ku qabtay magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ee u uga hadlay Arimaha la xirira Dilka Marxuum Diyaad isagoo sheegay in ay tahay arin Lalayaabo.
C/kheyr Sheekh ayaa sheegay in Arintan Cadaalad Darada ah ay u gudbiyeen Madaxda Dowladda Fadaralka soomaliya balse Wuxuu sheegay in lo Tacsiyeey hase ahaate an waxba Laga qaban isla markaasna an Jawaab cad lasiin.
Dhinaca kale Waxaa shirkaas Jaraa”id ka hadlay aadna uga hadlay Cadaalad darada Baahsan ee lasheegay in ay kajirto Muqdisho maxamud sheekh xasan aw cali sheekh soofe oo kamid ah Wiilka ladilay adeerkiis Wuxuu isna sheegay in Maxkamada gobalka banaadir ay ku dhaqaaqday Cadaalad daro isla markaasna aad loga Xumaado
maxamud sheekh xasan aw cali sheekh soofe ayaa wuxuu shegay mar u ka hadlayeey Shirka jaraa”id in wiilka u adeerka u ahaa lagu Dilay Muqdisho lana shirqoolay isla markaasna ay shirqool labaad ay samaysay Maxkamada gobalka Banaadir taas oo u sheegay in ay ahayd Wax Cadaalada ka fog.
Waraqo Cadaalad daro ah ayu sheegay in ay so saartay Maxkamadda gobalka Banaadir ee magaaladda Muqdisho hadana Masuuliyiinta Maxkamadda ay shir Jaraa”id qabanayan ayuu yiri Maxamed.
geesta kale wuxu shegay in shirqoolkaas ay kashaqeyaan ganacsato caan ka ah muqdisho siba ninka leh Hotel Dhiif ee magaaladda Muqdisho kuwaas oo ka dambeyeey shirqool lageytsya Wiilkaas.
waxay ugu Baaqen Madaxda Dowladda soomaliya in Maxkamada la hor keena Bashiir Dhiif oo ah Mulkiilaha hotel Dhiif ee magaaladda Muqdisho kaas oo lagu edeyeey in u kadambyeey shirqool lo gaytsya marxuumka.
Daafeet.Com