XUKUNKAAN MA CADAALAD BAA?

0
164

courtMaxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhacay xukun cadaalo daro ah, Taariikhdu markay ahayd 16/03/2013 uuna Garsoore ka ahaa Dr Xaashi Cilmi Nuur.

Ilaahay Subaxaanahu watacaalaa isagoo Anibiyadiisa mid ka mid ah lahadlayo waxa uu yiri.

ayad1

Aayadani Micnaheedu waxa uu yahay

Eebe wuxuu yiri Daa’uudow Waxaan kaaga yeelay Khaliif Dhulka ee Dadka ku kala xukun Xaqa, hana Raacin hawadaada (xun) oo uu kolkaas uu kaa Lumiyo jidka Eebe waxaa usugnaaday cadaab daran Halmaankoodii maalinka xisaabta(Qiyaamaha) darteed.

Ayadaani waxay na tusinaysaa cadaalada in ay muhiim nolosha utahay, Cadaaladda waa Furaha Nolosha aadanaha hadii cadaalad lawaayo waxay noqonaysaa in Dunida laga waayo Nolol sababtoo ah Cadaalo daro waxay keeni kartaa Dagaalo Abaaro.& dhibaatooyin kale oo fara badan.

Wadankeena Somaaliya waxaa soo maray xukuno kala duwan ,Magaalada Caasimadda ee Muqdisho waxaa soo maray Xaakimo ama Garsoorayaal kala duwan, Qaadiyadii soo maray Caasimada Muqdisho, waxaa ka mid ahaa Sharci yaqaankii Cesare Maria De Vecch, oo ahaa Xaakimkii xamar intii udhaxaysay 1923 ilaa 1928, Cesare Maria De Vecch waxa uu ahaa Sharci yaqaan.

waxaana uu qaadijiray Dacwooyinka udhaxeeyo Dadka Somaalida , Carabta & Talyaaniga, isagoo si cadaaladi ay ku jirto ku xukmi jiray, Garsoorahaa Talyaaniga waxa uu xaliyay Dacwooyin Faro badan, Mid ka mid ah Dacwooyinkii uu xaliyay ee Taariikhda Somaaliya Baal Dahab ah ka gashay ayaa jirto waxayna ahayd Dacwad dhex martay Reer Somaali ah & Nin Talyaani oo Gabadhooda Dilay , Dacwadoodii waxay udhacday sidan, Sarkaal sare oo Talyaani ah ayaa waxaa uu dilay Inan ushaqan jirtay oo Somaliyad ah Sarkaalkaa Talyaaniga ah markuu Falka Dilka ah uu fuliyay wuu isaga cararay Somaaliya, waxa uu ku laabtay Wadankiisi Talyaaniga, Reerka Gabadha laga dilay ayaa Shir isugu yimid, shirkaasi waxa uu ka dhacay Buulo shiidle, Reerka ay ka dhalatay Gabadha la dilay ay uga hadlaan , waxayna isku raaceen in ay utagaan Qaadiga Talyaaniga ah , sababtoo ah waxay ogaayeen in Xaakimka Talayaniga uu yahay nin cadaalad ku shaqeeyo.

Qaadigii Talyaaniga ahaa ayay uyimaadeen Reerka Gabadha laga Dilay una usheegeen Dilkii Gabadhooda loo geestay, Garsoorihii Talyaaniga waxa uu yiri erayadaan.

1-Cadaalada waa Maalin waxba kuma qarsoomi karaan 
2-Runtuna waa Run,Beentuna waa Been
3- ogaadana Xaqa lama dabooli karo,

Garsoorihii ayaa yiri Fadlan ii ogolaada in aan baritaan soo sameeyo oo cadaalada aan ku sheegi karo

Waxaa la gaaray xiligii balanta Maxkamada , Garsoorihii Talyaaniga waxa uu soo saaray xukunkaan oo ah in Ninkii Cararay in lasoo qabto lana keeno xamar si loogu fuliyo cadaalada waxay qabto.

warqad ayuu udiray Dowladii Talyaaniga si loo soo qabto Ninkii Gabadha Dilay, Soo qabashada Gacan ku dhiiglaha waxaa qayb weyn ka qaatay Nin la oranjiray luigiAmedeo,Duke of the Abruzzi oo markii danbe ku geeriyooday Somaaliya laguna aasay Magaalada Jowhar.

 Nasiib wanaag Ninkii ayaa la keenay cadaala horteeda iyadoo ay Goobjoog ka ahaayeen, Reerka Gabadha dhalay, Marqaatiyaal, Ninka wax Dilay Ehelkiisa , iyo Dad kaloo fara badan.

Xukunkii sidee ayuu udhacay Maxaa lagu xukumay , bal si hoose ufiiri arinkaan, Gabadha Somaaliyada waxaa Dilay Ninkan Talyaaniga ah, Garsooraha Maxkamada Mr Cesare Maria De Vecch Muxuu sameeyay bal eeg.

Garsoorahii Maxkamadii ayuu furay, Dacwadii ayuu dhageestay, markuu eegay cadeeymihii, markuu dhageestay Dhibanayaasha, markuu dhageestay eedaysanaha, markuu hubiyay dhan walbo waxaa uu riday xukunkii oo waxaa uu yiri Gabadha waxaa Dilay Ninkaan Talyaaniga ah si Gardaro ah ayuuna ku dilay.

waxaana ku xumay DIL& DIYO , waxa uuna siiraaciyay Hadii Diyo uu dhiibayo waxa ogolaashaheeda laga rabaa Reerka gabadha ay ka dhalatay, hadii ay ogolaadaan Diyo waa uu dhiibi karaa ,haduu Diyada dhiibo waxaa qasab ah in laga masaafuriyo somaaliya Xilka Dowlada uu uhayana laga qaado, Guriga uu ku leeyahay Xamarna waxaa xaq uleh in lasiiyo Ehelka gabadha laga Dilay.

Reerkii markii ay arkeen cadaalada halkaas kajirto waxay isku raaceen in ay qaataan Diyo waxaana lagu wareejiayay Diyadii iyo Gurigii loo xukumay cidii taqaano way taqanaa xamar, Guriga Gabadhii loo xukumay waxaa loo yaqaanaa Guriga Bitnigaal (Gabadhii Gaalada gurigeeda) waxaana uu kuyaalaa dhabarka danbe ee Wasaarada arimaha Gudaha.

Cadaalaas bal eeg Ninkaas waa Nin Gaal ah sida uu cadaalada usameeyay, Su’aal ayaa la waydiiyay Garsooraha Talyaaniga waxaana waydiiyay Reerka gabadha laga Dilay, Garsooraha Talyaaniga sababta uu sidaan u sameeyay???
waxaa uu yiri waxaan idin sheegayaa hal arin Cadaalada waa Nolol, hadii aan sidaan sameeynin aniga manoolaan kari, anigaa ubahan in aan noolaado, Dadkana ay noolaadaan sidaas ayay cadaalad kutimaadaa.

Aqristoow bal fiiri cadaalaas Ninka Talyaaniga ah uu sameeyay ,Xaalka xamar waa sidee hadda Macadaalad ayaa ka jirto mise Cadaalad daro.

Dhowr iyo labaatameeyo sano ayaan ku jiray dhibaato ilaah mahadiis Dowlad dhexe ayaa noo dhalatay, waxaa lagaaray xiligii cadaalada iyo xalaasha, lakiin farxadeenii dib ayay ulaabatay sababtoo ah waxaa meesha ka maqan waa Xukun Cadaalad leh.

Dhacdadii Naxdinta lahayd ee ka dhacday Hoteelka Nabada (peace Hotel) October 1,2012 ,11:00am, ayaa waxaa lagu Dilay Marxuun Siyaad Xuseen Sheekh, allaha unaxariistee , waxaana si bareer iyo ula kac udilay dhagarqabe Gacan ku dhiigle Mahad Cabdi Adan.

Untitled1

Dadka Muqdisho degan way kawada naxeen , lakiin qof walbo waxaa uu ku qancsanaa in cadaalada la hor keeni doono Dhagar qabaha Dilka geestay , waxaa la horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir, Garsooraha waa Ruux Somali ah waana Dr Xaashi Cilmi Nuur
Garsoore Dr Xaashi Cilmi Nuur 16/3/2013 ayuu xukun cadaalada ka fog soo saaray oo ahaa in Gacan kudhiigle Mahad Cabdi Adan uu dhiibo 120$ iyo lixbilood oo xarig ah.

Bal cadaalad daradaan eeg , waa Nin si bareer ah udilay Nin muslim ah, Garsooraha Somaaliga ah,Isagoo ukala garqaadayo laba Muwaadin oo Somaali ah,oo Muslimiin ah ayuu xukun cadaalada ka fog , kuna xadgudbay Diinteen, Dhaqankeena & Dastuurka wadanka.

Maxkamada cid joogtay majirto ama marqaati ama ehelka Marxuunka, Maro hoosteed ayaa lagu riday xukunka.

xuquuq

Aqristoow qisadii hore ee Garsooraha Talyaaniga ee garta ukala qaaday Ruux Somaali ah & Nin Talyaani ah cadaaladii uusameeyay bal farqiga udhaxeeyo kawaran,Hadii aad isbar bardhigto Maxaad ka dhihi kartaa Garsoorkii Talyaaniga Cesare Maria De Vecch & kan hada Xamar yaalo ee Garsoore Dr Xaashi Cilmi Nuur.

Waa Kaaf iyo kala dheeri waxaa meesha ku cad in aan weli lahelin Cadaalad & sinaan Ilahaayna ayadiisa waxa uu ku sheegay in hadii cadaalad iyo sinaan la waayo in nolosha oo dhan lawaayayo.

Garsoore Xaashi iyo inta ku fikirka ah waxay ka lumeen wada hagaasan uu ALLA noo tilmaamay waxayna qaadeen wado qaldan oo inoo horseedi karto bur bur iyo dhib kale.

Ilaahay ayaa ayaadkiisa inoogu sheegay hadii aan cadaalad lasamaynin in halaag lala kulmaayo , Dr Xaashi Cilmi & Gacan kudhiigle Mahad Cabdi Adan waxaa la gudboon inay weydiistaan Marxuunka Ehelkiisa Cafis, & in Gacan kudhiiglaha umadda horteeda lagu Qisaaso taas oo ah xalka ugu sareeyo uu ku badbaadi karo AAKHIRADIISA sida uu ilaahay uu ku xusay Quraanka Kariimka.

ayad2

Waxaa Idinkuugu Sugan Qisaasta Nolol Dadka wax Garadka ahoow Waxaadna Mudantihiin in aad Dhowrsanaataan. (suratul Baqara ayada179.

Xukunkaan ka dhacay xamar ma cadaaladbaa Aqristoow jawaabtu waa MAYA Waxaan sugaynaa Cadaalada inay dhacdo oo labadaan Ayadood laga wada faa’iido & Garsoorka Somaaliya in uusan ka liidan Kii Talyaaniga ee Gaalada Ee aminsanaayeen sidan Cadaaladu waa Nolol, hadii aan sidaan sameeynin aniga manoolaan kari, anigaa ubaan in aan noolaado, Dadkana ay noolaadaan sidaas ayay cadaalad kutimaadaa.

HOOSE KA FIIRI

Cadeentii feelashii dacwada cadaala darada Garsoore Dr xaashi uu ku sameeyay marxuun Siyaad Xuseen Sheekh, allaha unaxariistee , waxaana si bareer iyo ula kac udilay dhagarqabe Gacan ku dhiigle Mahad Cabdi Adan.
W/QORAY , H.A,Mohamed Adkeeste(Rusiyo)
adkeeste@hotmail.com
adkeeste@yahoo.com

doc 1

doc 2