Baarlamaanka oo dib u dhac ku sameeyey ka doodista sharciyada Xuquuqda Aadanaha

0
70

barlamanGuddiga xuquuqul insaanka Haweenka, Carruurta iyo arrimaha Bani’aadannimada ee baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib loo dhigay in baarlamaanku uu ka doodo sharcigii xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya, xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in guddiga arrintan uu dib u dhigay si uu la tashi ula sameeyo dadweynaha ka hor inta aannu baarlamaanku ansixin sharcigaasi.

Waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la furo xafiiska gardoonka dadeynaha, si loo helo caddaalad iyo xuquuqul insaanka oo la dhawro, laguna talo jiro in la furo xafiiskaasi.

Hadalkan ayay sheegtay xildhibaanaddu xilli shalay ay baarlamaanka Soomaaliya ka hor akhrisay hindise sharciyeed ku saabsan xuquuqda aadanaha Carruurta iyo haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Daafeet.Com