Bam gacmeed xaley lagu tuurey Guri ku yaala Degmada Afgooye oo ey degenaayeen dad shacab ah ayaa waxaa uu geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, Bamkaasi inta la ogyahay ilaa iyo imanka waxaa ku dhintey Hal Qof waxaana ku dhaawacmey in ka badan 4 ruux.
Dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in bamku uu ku dhacay guri deris la ah hoyga uu degmada Afgooye ka degan yahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamed Cilmi.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi bambaano ay ku geeriyootay haweeney da’ ahayd, ayna ku dhaawacmeen gabdho ay dhashay iyo carruur ay ayeeyo u ahayd.
Si kastaba arintu ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo bam gacmeed lagu weeraro xaafadaha shacabka ay degan yihiin ee magaalada Afgooye kuwaas oo ay mar waliba dhib ku haya shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye.
Daafeet.Com