Beeraleyda degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo isugu jira kuwa roob falatada iyo kuwa waraabka ayaa sanadkan markii ugu horeysay mudo sanado ah waxay cabasho xoogan ay ka muujiyeen cayayaan baabi,inaya dalagyadii la beeray iyo kuwii la goosan lahaa,iyadoo dhibaatadaasina ay saameyn ku yeelatey Boqolaal qoys oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay Wax soo saarka Beeraha.
Beeralleydan ayaa ka cabanaya cayayaan kala geddisan oo maalmihii ugu dambeeyey faro kulul ku hayay inta badan dalagyadii ay beereen, waxaana cayayayaannadaasi oo sida la sheegay u badan kabajaanka,diirato iyo malabiso ay baabi`iyeen dhul beereed baaxad weyn oo ku yaalla degmadaasi oo xilligan ay ka baxayeen dalagyo kale gedisan.
Halkan ka dhegayso warbixinta wariyeheena K/Galbeed Axmed Cumar Saalixi.
Beeraleyda Buurdhuubo oo ka cabaneysa cayayaan baabi,iyey Dalagyadii,wadajir