Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay dadaal aad u badan ku bixinaysay wax ka qabashada Amni darada ka jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho inkasta oo aan weli waxba kasoo naasa cadayn dadaalkaas ay samaysay Dowlada waxaan maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaya Weerarada iyo Qaraxyada Xarakada Shabaab ay ka gaysanayso gudaha magaalada.
Hadaba su’aasha taagani ayaa waxay tahay Hadii dowlada Soomaaliya ay awoodeeda isugu gaysay sugida Amniga,Xarakada Shabaabna ay awoodeeda isugu gaysay dhalinta Amni daro goor iyo ayaan ka dhacda magaalada,Sidee Magaalada iyo Shacabkuba ay ku heli karaan Amaan.
Waa kan Wariye Maxamed Cali Axmed Rooraare oo warbixintaan ku eegaya amaanka Muqdisho.