Gudiga Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo Tababar Muqdisho loogu soo gabagabeeyey

0
70

Xiritaanka SiminnaarSiminaar socdey mudo 4 Maamood ah ayaa Amisom waxaa ey u u soo xirtay guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo sare loogu qaadayay aqoontooda la xiriira howlaha ay u hayaan baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Siminnaarkan ayaa waxaa ka qaybgalay xildhiabaannada guddigan iyo sidoo kale shaqaale ka tirsan baarlamaanka, waxaana intii uu siminaarku socday ay ka doodeen habka lagu sugi karo ammaanka laguna dhisi karo maamullo ay gobollada dalku yeeshaan.

Xiritaankii siminnaarka ayaa waxaa hadal ka jeediya, Basile Garetetse oo wakiil ka ahaa ergayga arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika danjire, Maxamed Saalax Anaadiif, isagoo sheegay in siminnaarkan uu ahaa mid kor loogu qaadayay aqoonta xildhibaannada, isagoo sheegay in AMISOM ay si dhow ula shaqeyn doonto baarlamaanka Soomaaliya.

Siminnaarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo AMISOM ay ugu qabto Muqdisho xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay mas’uuliyiinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay sheegeen inay sii socon doonaan tababarrada noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn, AMISOM ayaa gabagabadii Siminaarka waxaa ay u qaybisay xubnihii guddiga ee siminaarka ka qaybgalay qalab isugu jira kambiyuutarrada gacanta lagu qaato (Laptops) iyo kuwa waaweyn ee xafiisyada la dhigto.

 

Daafeet.Com