Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Baay oo kulan ku yeelan doona Degmada Baydhaba

0
127

baydhaboAxmed Maxamed Yuusuf oo ah Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegey in gudoomiyeyaasha gobolka ey kulan ku yeelan doonaan Magaalada Baydhaba.

Wuxuu sheegay in kulankaasi uu yahay mid iskaashi ah oo looga waramayo sidoo meeel looga soo wada jeesan lahaa dhibaatada guud ahaan gobolka, isla markaana meel looga soo wada jesan lahaa dhibaatooyinka xilliyada qaar ka dhaca gobolak Baay.

Kulanka ayuu ku sheegay in ahmiyadiisa ugu weyn inay tahay sidii loo xoojin lahaa maniga gobolka, horumarinta Cafimaadka, is dhexgalka Bulshada iyo arimo kale oo muhiim ah sida uu tilmaamay.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey oo ey yeeshaan gudoomiyeyaasha degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka ayadoo beryahan dambe ey aad usoo badaneysey qalalaasaha ka jira gobolka loona baahan yahay in wax laga qabto.

 

Daafeet.Com