Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta u magacaabay afhayeenka xafiiskiisa, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya-arag dhanka warbaahinta ah.
Wareegtada magacaabista oo warbaahinta loo qaybiyay oo soo baxday 23-kii Juun 2013, ayaa wuxuu ra’iisul wasaaruhu ku sheegay inuu u cuskaday qaar ka mid ah qodobbada 99-aad ee dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbadiisa (A, D, iyo E) iyo qodobka 100-aad ee isla dastuurka, isagoo xusay in wariye Ridwaan uu ku qiimeeyay xifraddiisa.
Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa wuxuu noqonayaa afhayeenkii ugu horreeyay ee uu yeesho xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna horay uga soo shaqeeyay warbaahinno badan oo dalka iyo dibaddiisa ka howlgala.
Xilliyadii ugu dambeysay, wuxuu ka howlgalayay Telefishinka Universal oo xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, sidoo kalena wuxuu wakiil wareed uga ahaa Britain idaacadda VOA-da laanteeda af Soomaaliga.
Daafeet.Com