Ciidamo ka socda Dalka Burundi oo soo gaarey Somaliya

0
39

burindiWararka aynu ka helney Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in goordhow ay ka degeen garoonka diyaaradaha ciidamo cusub oo ka mid noqonaya ciidamada AMISOM.

Ciidamadan ayaa la sheegey in ey ka socdaan dalka Burundi oo ay ciidamo badan hadda ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya.
Sida warku sheegayo ciidamada Burundi ka socda ee maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 500 askari.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ey xoojin xoojin doonaan Ciidamo Dalka Burundi horey uga joogtey Dalka Somaliya.

Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Guti oo ka hadlay ciidamada cusub ee ka socda dalka Burundi ee Maanta Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan ciidamadaasi.

 
Daafeet.Com