Wareysi uu bixiyay Rogerio Zandamela,oo ah madaxda IMF u qaabilsan Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay in ahmiyad ay siinayaan sidii Soomaaliya ay kaga taageeri lahaayeen dib u habeynta iyo Maareynta dhaqaalaha oo in mudo ah haykalkoodii ay hala keeyeen dagaaladii 22-sano ee u danbeeyay ka soconayay Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Rogerio Zandamela in hada qorshaha uu ugu jiro sidii siyaasad rasmi ah oo wax looga qaban lahaa dhaqaalaha darida ka jirta dalka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya loo siin lahaa caawin farsameed iyo talooyin wax looga qaban karo dhaqaalaha Soomaaliya ee dhulka yaala.
Madaxda howlgalka hay’ada lacagta aduunka ee Soomaaliya Rogerio Zandamela,ayaa sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay hada Soomaaliya ay leedahay dowlada rasmi ah oo aan KMG ahayn,taasina ay suurta gelisay in hay’ada Soomaaliya ay u aqoosatay xubinteedii IMF.
Mas’uuliyiinta hay’ada Lacagta aduunka ayaa shaaca ka qaaday inay la imaanayaan qorshe cusub oo lagu caawinayo Soomaaliya,waxayna kulumo badan Nairobi kula qaateen Madax ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ugu horeeyaan guddiyo Soomaaliya dhanka Maaliyada.
Daafeet.Com