Madaxda Qarada Afrika oo ka arinsanaya Qatarta Burcad Badeeda ey ku heyso Biyaha wadamada Africa

0
52

africa_mapMadax iyo hogaamiyaal ka kala socda 25 dal oo galbeedka Africa iyo bartamaha ku yaala ayaa ku kulmay dalka Cameroon,iyagoo ka arinsanayay qatarta Burcad badeeda ay ku hayaan biyaha gobolka.

Sidoo kale shirka hogaamiyaashaan ay isugu yimaadeen ayaa waxaa looga arinsanayay dadka sida sharcidarada walxaha maanka dooriya ku geliya wadamada Galbeedka bartmaha Africa.

Shirka ayaa si weyn waxaa loogu lafa guray burcad badeeda ka qowleysata xeebaha Soomaaliya iyo Nigeria kuwaasi oo la sheegay inay yihiin dhibaatooyin ugu daran ee Qaarada Africa wadamada Ku yaala Curyaamiyay gaar ahaan Soomaaliya oo ay tilmaameen inay ka jirto dhibaatada ugu daran ee burcad badeeda ay geysanayaan.

U jeedka Kulanka ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii amaan looga dhigi lahaa xeebaha gacan Guinea iyo Soomaaliya kuwaasi oo ay qaati ka taagan yihiin Maraakiibta shixnadaha kala duwan sida,waxaana xilliyada halkaasi ay isticmaalayaan la kulmaan weeraro kaga yimaada Burcad badeeda Soomaalida.

Wasiirka isgaarsiinta dalka Cameron Issa Tchiroma Bakary ayaa sheegey in dhamaan Madaxdii ka soo qeyb gashay kulanka ay isku raaceen in si wada jira h loo abaaro Burcad badeeda iyo qatartooda laguna bixiyo Hiil iyo Hoo.
Daafeet.Com