Wararka naga soo gaaraya Degaano katirsan Konfurta Mudug ayaa shegaya in Hogaamiyihii hore ee Xisbul-islaam ee la midoobay Al-shabaab Shiikh Xasan Daahir uu ku sugan yahay Degaan kamid ah Mudug.
Koonfurta gobolka Mudug ayaa deegaano kala duwan(Hobyo ,Xarardheere) lagu sheegayaa Xasan Daahir Aways ,waxana soo baxaya sidooo kale warar ah inay socdaan wadahadalo Qatar garwadeen ka tahay oo DF lala heshiisiinayo Sheekh Xasan.
Wararka Qaar aya Waxa ay Shegayan in Ciidamada Al-shabaab ay Doonyo ku soo Gareen Xeebta Hobyo Waxana Dadka Deganka ay sheegayaan in ay ka Cabsi Qaban in uu Dagaal ka Qarxo Magalada Hobyo ee Gobalka Mudug.
Si kastaba arintu ha ahaatee socdaalkan uu Sheekh Xasan Dahir ku yimid deegankan ayaa dadka qaarkii ey sheegayaan in uu batey isqabqabsiga u dhexeeya Alshabab taasi oo keeneysa in Madaxda Alshabab ey mar walba u guuraan meesha Amnigodu ku hagaagi karo.
Daafeet.Com