Xuska munaasabadda 26-ka June oo ah maalintii gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ay ka xorroobeen gumeystihii Ingiriiska ayaa xalay laga qabtey magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya.
Xafladdii xuska ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, wasiirro, xildhibaanno, saraakiisha ciidamada, duqa magaalada Muqdisho,gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madaxdii ka soo qeyb gashay, iyagoo hambalyo u diray dhammaanba shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Waa sanad guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay markii ey Gobolada Waqooyi xoriyada qaateen 22 sano ka dib waa markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago gayiga Soomaaliya.
Daafeet.Com