Madaxweyneyaasha Wadamada Kenya iyo Ugandha oo ka wada hadley Arimaha Somaliya

0
67

kenya ugandhaMadaxweynayaasha  Uganda iyo Kenya oo si wada jir ah u kulmay ayaa sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan Sidii wadamo badan ay u heli lhaayeen hanaankii dowladnimo ay ku noolaayeen.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah waxay kaga hadleen xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii ay ku sii laba jibaari lahaayeen dadaalada ay ka wadaan.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyati oo hadalkii qaatay ayaa sheegay in markii ciidamada Kenya ay fara geliyeen Soomaaliya ay dib ula wareegeen Magaalada kismaayo oo Al-shabaab ay ku xooganaayeen.

Wuxuu sheegay Mr Kenyati in ciidamadiisa oo qeyb ka ah AMISOM ay wada shaqeyn ka dhaxeyso Qaramada Midoobay,isagoona hoosta ka xariiqay in ciidamada gacan weyn ka geysteen sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-shabaab sida uu Madaxweynaha Kenya hadalka uu u dhigay.

Dhanka kale dowlada Uganda ayaa u soo dhaweysay dadaalada wada jireed ee ka socda Soomaaliya.
Daafeet.Com