Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya Inj Yariisow oo ka hadley arimaha Xasan Dahir Aweys

0
63

Inj YariisowAfhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuusan diyaar u ahay inuu hadda ka hadlo qorshaha dowladda ee ku aaddan Sheekh Xasan, balse uu sheegayo in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso cid walba oo Soomaali ah oo ka soo baxda Al-shabaab oo aan ahayn ajaanibta iyo dadka dambiyada waaweyn galay.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka war-haysay dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Sheekh Xasan Daahir Aweys tan iyo markii uu dhacay dagaalkii degmada Baraawe, sidoo kalena ay la socdeen isku dhiibidda uu isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo ay dowladdu ku doonayso in loogu soo gacan-geliyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaasoo u socda maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dowladda Soomaaliya, balse arrintan kama uusan hadlin afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, odayaal ay isku hayb yihiin Sheekh Xasan Daahir ayaa shalay gellinkii dambe waxaa la sheegay inay madaxweynaha Soomaaliya u direen codsi ah in dowladdu ay cafis u fidiso Sheekh Xasan Daahir maadaama uu ka baxay fikirkii Al-shabaab uuna dib ugu soo laabtay beeshiisa.

 
Daafeet.Com