Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta kulan la yeeshey Wasirka Horumarinta Calamiga ee Norwey

0
139

xasanMadaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ah ee Norway Mr. Heikki Holmes.

Kulankan waxaa goob jog ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Suleyman iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha iyo Wasiirka Norway ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii Norway ay uga qeyb-qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka Norway iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa warbaahinta hortooda ku kala saxiixday heshiis labada dal ah oo lagu soo celinayo diblomaasiyaddii labada dal iyo inay iskaashi ka wada yeesheen dib u dhiska Soomaaliya.

Shir jaraa’id ayuu madaxweynahu ku yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in Mr Holmes uu yimaado Muqdisho, tanoo tuseysa sida dalka Norway ay uga go’antahay in xiriirkii labada dal la soo nooleeyo oo heshiiskii maanta uu calaamad u yahay in Soomaaliya ay maanta si siman heshiisyo diblomaasiyadeed ula saxixianeyso waddamada horey u maray.

 

Daafeet.Com