Wararka inaga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa waxaa ey sheegayaan in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu diiday in xildhibaanno iyo waxgarad shalay gaaray degmadaas uu Muqdisho u soo raaco.
Sheekh Xasan Daahir ayaa shaley la kulmey Xildhibaanadan iyo odayaashan oo shalay gaaray Cadaado, waxaana ay ka dalbadeen inuu u raaco Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu diiday haddii aanu u tagay Muqdisho si maamuus ku jiro.
Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuusan doonayn in isagoo sidii maxbuus ah uu tago Muqdisho, balse uu tagi doono haddii si weyn loogu soo dhaweynayo iyadoo la maamuusayo.
Si kastaba arintu ha ahaatee la xaajoodka lala xaajoonaya sheekh xasan waxaa ey albaab u fureysaa masuuliyiinta kale ee ka tirsan Alshabab in ayagana loola xaajoodo sidii loola xaajoodey Sheekh Xasan, arintan ayaa waxaa ey taariiq ku noqon doontaa dowlada federalaka hadii ay siyaabo kala duwan ula dhaqanto xubnaha ka tirsan Alshabab hadii ey isu soo dhiibaan Dowlada.
Daafeet.Com