Wasiirkii Cadaalada ee dowladii KMG aheyd Sheekh C/raxmaan Janaqow oo ka hadalay arinta Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in Xassan Daahir loo baahan in uu ga’aan gaaro uusanna ka labo labeyn wadahadal uu la galo dowlada Federaalka.
waxaa kaloo uu intaasi ku darey in Xassan Daahir uusan Cadaado u tagin wadahadal hayeeshe uu u tagay nabad galayadiisa, isagoona xusay in loo baahan yahay in Xassan Daahir uu wadahadal la galo dowlada.
Janaqow ayaa sidoo kale sheegay in Xassan Daahir inta uu tagi lahaa Cadaado ay u wanaagsaneyd in uu yimaado magaalada Muqdisho dowladana isku soo dhiibo, waxa uuna sheegay Janaqow in uu Xassan Daahir kula tali nayo welina fursad u heysto in uu wadahadal la galo dowlada, isagoona ugu baaqay madaxda dowlada in ay go’aan ka gaaraan hadii Xassan Daahir uu ka biyo diido wadahad uu la galo dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
Hadaladan ey tuurayaan Masuulinyiin hore uga tirsanan jirey dowlada ii KMG ayaad waxaad moodaa kuwo ka fog in qof walboo nabad doonaya si nabad gelyo ah ay dowlada ula hadasho, Waxaa haboon in dowlada ey wax walba ku raadiso waan waan iyo wadahal maadaama ey carqalado badan hor taagan yihiin.
Daafeet.Com