Col. Cabaas Ibraahin Gurey oo ka mid ah saraakiisha dowlada Soomaaliya ee Jubooyinka ayaa maanta waxaa laga ka xeystay Kismaayo kadib kolkii ay ciidanka Kenya si kedis ah ku qafaasheen kadibna ay ula tageen.
Col, Cabaas oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay inuu yahay maxbuus ku xiran xero ciidan oo ku taal magaalada Dhoobleey.
Waxaana uu sheegay inay arrintaasi uu ka danbeeyey sarkaalka lagu magacaabo Brigadier General Anthony Ngere oo uu sheegay inuu madax u yahay ciidanka Kenya ee AMISOM.
halka kulan maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay ka qayb galeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbooyinka iyo Madaxwayanayaal uu kamid yahay Col Barre Hiiraale, waxaana looga hadlayay xaaladaha cakiran ee ka taagan Magaalada Kismaayo.
Kulanku markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa waraysi gaar ah siiyay Dr Maxamed Xasan Cali “State Man” ahna la taliyihiisa dhinaca Siyaasada Bare Hiiraale, waxaana uu sheegay in kulankii maanta looga hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha Jubbooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo.
Kadib dagaal Culus oo u dhexeeyay Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe iyo Ciidamo taabacsan Col Barre Hiiraale iyo sidoo kale Cabaas oo ay maanta xoriyadiisii ka qaadeen Ciidamadda Kenya oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxaya dagaladaasi Faah faahin dheeraad ah.
Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax oo goordhow Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dagaalkii maanta inuu yimid saacado yar un kadib markii Kulan ka dhacay Magaalada Kismaayo ay ku iclaamiyeen dhinacyada kasoo horjeeda dagaal ka dhan ah Maamulka Jubbaland ee hogaamiyo Axmed Madoobe.
Kadib dagaal xoogan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxaa soo baxaya warar ku aadan goobaha ay kala joogaan dhinacyadii dagaalamay.
Col Cabdi Cigaal oo kamid ah Saraakiisha dowlada ee Jubbooyinka ayaa isagoo kusugan Kismaayo sheegay in laga adkaaday ciidamadii Axmed Madoobe haatana ay ciidamada Bare Hiiraale taageersan ay xaafadaha dhan ee magaalada kusugan yihiin
Dagaalki Maanta ka dhacay kadib ayaa waxaa dhinacyadii dagaalamay ay sheegeen in ay maalinta bari ah soo afjari doonaan dagaalka.
Afhayeen u hadlay Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe C/naasir Seeraar ayaa sheegay Ciidamadoodu inay qaban doonaan Xaafadaha ay kaga harsanyihiin Magaalada Kooxo uu ku sheegay qaswadayaal
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Maamulka Jubbaland garabka Col Barre Hiiraale ayaa sheegay in dagaalkii Maanta ka dhacay gudaha Kismaayo inay ku qabsadeen Xaafado badan oo horay ugu sugnaayeen Ciidamadda Maamulka Axmed Madoobe.
Halkan ka dhegayso Codadka