Kadib kolkii shalay Ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ay xabsiga dhigeen Col Cabaas Gureey oo ah abaanduulaha ciidanka dowladda ee Gobalada Jubbooyinka ayaa Col Cabaas wuxuu ka hadlay xarigiisa.
Col Cabaas ayaa sheegay in iminka uu ku sugan yahay xero ciidanka Kenya ay maamulaan oo ku taala Degmada Dhoobleey ee Gobalkaasi Jubadda hoose.
Wuxuuna sheegay in xarigiisa uu ka dambeeyay sarkaal ka tirsan Ciidanka Kenya,lagana soo qaaday Garoonka Kismaayo oo diyaarad yar lagu soo qaaday.
Sarkaalka xarigiisa ka dambeeyay ayaa wuxuu sheegay in Garoonka Kismaayo ay kuwada hadleen,kadibna qoryo lagu qabtay Col Cabaas sidaasina lagu saaray diyaarad yar oo Garoonka Kismaayo ka qaaday dhoobleeyna geysay.
Si kastaba arintu ha ahaatee Ciidamada Wadanka Kenya ayaad moodaa in siyaasadooda ey u janjeerto ha dhinac taasoo ka turjumeysa hadafkii ey markii hore usoo galeen gudaha Dalka Somaliya ayadoo aan cidna u yeeran.
Daafeet.Com