Waxaa soo badanaya Qilaafka u dhexeeya kooxaha Alshabab gudahooda taasoo horseed u noqon karta burburka alshabab, Balse su’aasha la is weydinaayo ayaa waxaa ey tahay Dowlada Federalka maka faaideysan doontaa Qilaafkan Alshabab mise wexey abuuri doontaa colaad hor leh.
Alshabab ayaa beryahan dambe waxaa uu u kala fadhiyaa labo kooxood ayagoo ku kala qeybsamey siyaasad iyo mabaadii kale oo ku saleysan arimahoda gaar ahaaneed, Abuu mascad waxaa uu maanta sheegey in ey dileen labo ka mid ah saraakiisha ugu waaweyn ee alshabab qaar kalana ey ku raad joogaan.
Xasan Daahir ayaa ka mid ah kuwa lagu raad joogo asagoo isku soo dhiibey dowlada federallka, Maxey ka sameyn doontaa dowlada ma wada xaajood ayey la geli doontaa sidii ey dowlada kolkii hore balan qaadey oo aheyd in ey soo dhaweynayaan kooxdii kasoo goosata Alshaba mise balantaas waa ey ka bixi doonaan.
Wax walba waxaa ey ku xiran tahay sida ey ula dhaqmaan Xasan Daahir taasi oo micnaheeda tahay hadii ay doonayaan waa ey ka faaiideysan karaan si laba kooxood ee alshabab la isaga hor keeno hadii kalana dib ayay u mideyn doonaan kooxaha ku kala tagay siyaasada.
Dadka siyaasada indha indheeya ayaa waxaa ey sheegayaan in arintan eysan eheyn mid habeen kaliya iska timid balse ey ogaayaan qaar badan oo ka tirsan dowlada taasoo ey qiil uga dhiganayaan in Xasan Dahir Aweys uusan soo galeen gacan dowlada hadii uusan ogeyn waxa uu ku dambeyn doono xarigan iyo howlahan kalana ey iska yihiin dhoola tus.
Daafeet.Com