Madaxweynaha Dowlada Federalka oo maanta waraaqihii aqoonsiga kala wareegey safiirka cusub ee Dalka Ingiriiska

0
43

xasan iyo safiirka ukMadaxweynaha dowlada federalka somaliya Xasan Sheekh Maxameuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga kala wareegey Safiirka cusub ee dalka ingiriiska usoo magacowdey dalka somaliya.

Waxaa kaloo goob joog kulanka uu madaxweynaha la qaadey Safiirka ingiriiska ku ahaa Wasiirka wasaarada arimaha dibada Marwo Foziya Yusuf aadan.

Safiirka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey ka gudoonka waraaqihiisa aqoonsiga isla markaana u gudbiyey madaxweynaha fariin uu uga sidey Raiisul wasaaraha dalka ingiriiska oo sheegeysa in dowlada ingiirska ey ka go,an tahay sidii loo caawin lahaa Dowlada iyo shacabka Somaliyeed.

 
Daafeet.Com