Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland oo cambaareeyey Dowlada Federalka

0
53

Cabdi SamadMadaxweyne ku xigeenka Puntland, C/samad Cali Shire ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay kasoo horjeeddo maamulka Jubbaland iyo joogitaanka ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

C/samad Cali Shire wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay qayb ka qaadatay dagaalladii ka dhacay Kismaayo, ayna faragelin qaawan ku hayso maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Sheekh Axmed Madoobe.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ka mid yihiin AMISOM, eedeynta dowladdu ay u jeedisayna ay tahay mid aan la ogolaan karin, maadaama ay howlahooda si caadi ah u wataan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu si cad u taageersan yahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayna soo dhaweynayaan joogitaanka ciidamada Kenya.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa moodaa in qaar ka mid ah Maamul goboleedyada ka dhisan dalka somaliya eysan garaney weli waxa ey howshoodu tahay taasoo keentey in ay ka hadlaan arin walba wax quseeya iyo wax aan quseyn.

 

Daafeet.Com