Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa maalmahaan ku jiray gacanta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu dhawaan iska soo dhibay magaalada cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb halkaasi oo looga soo gudbiyay Magaalada Muqdisho oo hada uu ku suganyahay.
Xiritaankii Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaad waxaad moodaa in ay ku kala qeybsameen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Dowlada Somaliya iyo shacabkeedaba taasoo aad moodo iney weli fog tahay sidii looga gudbi lahaa qabiil jecleysiga iyo nin jecleysiga ka jira dalka Somaliya
Beesha uu kaso jeedo Sheekh Xasan Dahir ee Habargidir ayaa maanta waxaa ey Shir Jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho ayagoo kaga hadlayey arinta Sheekh Xasan Daahir aways waxaana ay sheegeen in ay soo magacaabeen gudi ka shaqeeya arimaha Xasan Daahir Aways iyo Dowladda Federaalka ah.
Halkan Hoose ka Dhegeyso.