Wararka ka imanaya dalka masar ayaa sheegay in xalay militariga dalka masar ay Afgambi kugala wareegeen xilka wadanka Maxamed Mursi oo sanadkii hore Doorasho ku yimid kursiga Madaxweynenimada.
Arintan ayaa waxey ka dambeysay kadib markii ay militariga dalka Masar ee Madaxweyne Morsi u qabteen mudo 48 saacadood gudohood inuu ku kala diro dadka banaan baxa ka wada fagaaraha tahriir Squera ee magaalda caasimada ee Qaahira.
Malitariga dalka Masar ayaa Madaxweyne KMG ah u magacaabay Madaxa Maxkamada sare ee dalkaasi Adly Mansour,iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in maanta xilka loo dhaarin doono.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Masar ee xalay lagu dhawaaqay Afganbigiisa inuu ku sugan yahay xarunta Madaxtooyada isagoo ay ku wareegsan yihiin Ciidamo mana cada inuu gacan ku jiro iyo in kale.
Taageerayaasha Mursi ee ku sugan Magaalada Qaahira ayaa si caro ay ku dheehan tahay kaga jawaab celiyay falka ay ku dhaqaqaaqeen Malitariga Masar iyagoo ku tilmaamay mid aan loo baahneyn.
Daafeet.Com