Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa maanta booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda oo ah ilaha ugu waaweyn ee uu dhaqaaluhu kasoo galo dowladda Soomaaliya.
Ra’iisulwasaaraha iyo wasiirada ayaa markii ay booqdeen goobahaan waxay u kuurgaleen sida ay howluhu u socdaan, waxayna warbixinno ka dhageysteen mas’uuliyiinta garoonka iyo dekedda Muqdisho. Waxayna dhanka kale kaga warbixiyeen baahiyaha ay qabaan in goobaha la casriyeeyo.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay dowladdu xil weyn iska saarayso sidii ay u horumarin lahayd dekedda,iyo sidii shaqadeeda loo sii xoojin lahaa, isla markaana loo heli lahaa dekeddo kale si dhoofku u kobco.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirradiisu waxay kormeer ku sameeyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo indho-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee garonka oo ay ka mid yihiin qaybta dulista iyo saadasha hawada iyo waliba qaybta maaliyadda.
Ra’iisal wasaare Saacid ayaa booqashadiisa ku tilmaamay mid lagu dar-dar-galinayo habsami u socodka hawlaha illaha ugu waaweyn ee dowalddu ay ka hesho dhaqaalaha.
Daafeet.Com