Madaxweyanaha maamulka Goboleedka Puntland C/raxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay dooda mudooyinkii dambe Baarlamaanka ay ka yeelanayeen handise sharciyeedyo ay u gudbiyeen wasaaradaha Xukuumadda.
C/raxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodayaan hindise sharciyeedyo badan oo ay Baarlamaanka u gudbiyeen wasaaradaha Xukuumadda, waxa uuna tilmaaamay in hinse sharciyeedyadaasi ee ay ansixinayaan Baarlamaanka aysan jirin meel la waafajinayo.
Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe u gudbinayay Baarlamaanka Soomaaliya hindise sharciyeedyo kala duwan kuwaasi oo Baarlamaanka qaarkood ansixiyeen qaarkoodna ay hada ku guda jiraan.
Edeymaha ka imanaya Madaxweynaha Maamul goboleedka puntland ayaa waxaad moodaa mid uu isaga sii jeedinaayo Qalalaasaha ka taagan deegaanka uu masuulka ka yahay maadaama ey beryahan dambe ka jireen baananbaxyo looga soo horjeedo Maamulkiisa.
Daafeet.Com
Ma jirto wax shaqsiyan neceb faroole gudaha puntland wayo dorasho xor ah oo xalal ah ayuu ku yimi xafiska puntland faroole wayka horeeysey wayna ka danbayn doontaa insha alahu
Comments are closed.