Wasaaradda maamilayadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka jawaabtay warbixintii Qaramada Midoobe ee lagu sheegay in si sharci darro ah lacag lagala baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedeynta Qaramada Midoobe u soo jeedisay maamulka sare ee Bankiga Dhexe ee soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay diyaar u yahiin in la keeno caddeynta hannaankii dhaqaalahaasi uu bankiga uga baxay, isagoo sheegay in lacagaha ka baxa bangiga ay ku baxaan amar ka yimid wasaaradda maaliyadda, loona maamulo hab sharciga waafaqsan.
Eedeymaha ka imanaya Qaramada midoobey ayaa ah ku saabsan sidii somaliya looga sifeyn lahaa Musuqmaasuqa iyo lacagaha sida sharcidarada loo isticmaalo.
Daafeet.Com