Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo xoogaga Alshabab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool shaley gelinkii dambe.
Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in ey ku dhinteen in ka badan 3 Ruux oo ah dhinacyadii meesha ku dagaalamey waxaa kaloo ku dhaawacmey ilaa iyo 6 Ruux.
Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii ciidamada dowladda Soomaalia ay weerar ku qaadeen deegaan ay ku suganayeen xoogag ka tisran Al-shabaab, waxaana uu dagaalkan socday muddo saacado ah.
Dad ku sugan deegaannada lgu dagaalamay ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna arkeen maydadka afar qof oo ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray, inkastoo khasaaraha uu intaas ka badan karo.
Guddoomiyuha Gobolka Bakool ayaa sheegey in qorshahoodu uu ahaa inay ka kiciyaan Al-shabaab deegaan biyo leh ayna u saaraan goobo oomanayaal ah taaska ay ku guuleysteen, wuxuuna xusay in ciidammo uu hoggaaminayo Sheekh Mukhtaar Rooboow oo uu khilaaf kala dhexeeyo hoggaamiyaha Al-shabaab uu ku sugan yahay deegaan ku dhow degmada Ceelbarde.
Daafeet.Com