Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya oo ka hadley Xariga Xasan Dahir Aweys

0
34

Nicholas_Kay_UN_EnvoyErgayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xiran Muqdisho.

Danjire Kay ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir oo ka mid ahaa xubnaha sarsare ee Al-shabaab, horayna uu u ahaa hoggaamiyaha Xisbul Islaam oo ku biiray Al-shabaab uu yahay hoggaamiye xag-jir ah marka loo eego xubnaha kale ee ay kawada tirsanaayeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Ergaygu wuxuu sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo isa soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir isagoo ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay Qaramada Midoobay ka yeelayso Sheekh Xasan Daahir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay u baahan yihiin fursad yar si go’aan looga gaaro arrinta Sheekh Xasan Daahir oo ay gacanta ku hayaan.

 
Daafeet.Com