Qaramada Midoobey oo ka deyrisey Xaalada Bini'aadanimo ee ka jirta Magalada Kismaanyo

0
44

kismaayoowWakaalada wararka Xinghua oo soo xiganeysa Philippe Lazzarini oo ah Madaxa deegaanada iyo isku xirka xaaladaha bini-aadanimada ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in walaac ay ka muujinayaan xaalada Bini-aadanimo dadka ku dhaqan deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysaa in shacabka Kismaayo ay la daala dhacayaan dhibaatooyin ay ku reebayaan dagaalada iyo colaadaha halkasi ka soo cusboonaaday,iyadoo dadka guryahooda ay ka barakaceen iyagoo gacmo maran.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in dad gaaraya 71-Qof dagaalada ay ku dhinteen halka tiro 30 dhaawac yo ay soo gaareen,kuwo intaasi ka badana waa ay ku barakaceen.
Philippe Lazzarini,ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in hay’adaha gargaarka sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar ula gaaraan dadkaasi rayidka ah ee dagaalada ka barakacay inkastoo walaac uu ka muujiyay xaalada ammaan ee Kismaayo.

 
Daafaat.Com