Wasiirka horumarinta iyo adeegga bulshada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed oo shalay dalka dib ugu laabatay kaddib safar shaqo oo ay ku tagtay dalka Turkiga ayaa saxaafadda kula hadashay magaalada Muqdisho.
Maryan ayaa sheegtay in wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga ay ka heleen taageero dhinaca caafimaadka ah oo ay u fidinayso Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo xustay inay heshiis kala saxiixdeen wasaaraddeeda iyo tan caafimaadka ee dalka Turkiga.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay ka wada hadleen in shanta sano ee soo socota ay wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga ay gacan ka geysato taakuleynta adeegyada caafimaadka ee isbitaalka Digfeer iyo in sanad kasta ilaa 200 oo bukaan oo dalka wax looga qaban waayay loo qaado Turkiga.
Daafeet.Com