Shirkadda diyaaradaha Air Uganda ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horeeyay ku tagtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona shirkaddu ay sheegtay in ay bilaabi doonto duulimaadyo ay isbuucii sedex mar ku tagi doonto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Munaasibad lagu daahfurayay safarkii ugu horeeyay ee shirkadda Air Uganda ay ku timid magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana munaasibadaasi ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Max’uud Axmed Nuur (Tarsan).
Safiirka dalka Uganda u fadhiyo Soomaaliya Ambassador Nathing Mugisha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in duulimaadka ay shirkadda Air Uganda ka bilowday Muqdisho ay sare u qaadi doonto wadashaqeynta dalalka Soomaaliya iyo Uganda isagoona xusay in sidoo kale ay ka qeybqaadan doonto horumarka iyo ganacsiga Soomaaliya
Duulimaadka shirkadda Air Uganda ayaa imanaya iyadoona shirkadda Turkisha Airways ay sanadii aynu kasoo gudubnay safarro ka bilowday magaalada Muqdisho.
Daafeet.Com