Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta u ambabaxay Dalka Koonfurta Suudaan

0
42

xasanWafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlada federlaka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta dalka Koonfurta Suudaan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaas Silva Keer.

Booqashada uu madaxweyne Xasan ku tagayo dalka Koonfurta Suudaan oo laba sano ka hor ka go’ay dalka Suudaan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo uu ku tago dalkaas.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in booqashadan ay qayb ka tahay booqashooyinka uu madaxweynuhu ku tagayo dalal badan oo caalamka si uu u soo celiyo xiriirkii Soomaaliya kala dhexeeyay dalalkaas.

 

Daafeet.Com