Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Baay.
Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo qeyb ka ah wafdiga raysul wasaaraha ayaa sheegay in saraakiisha ciidanka iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka gobolka uu raysul wasaaraha kala hadlay xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.
Fiqi ayaa tilmaamay in iyagoo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Ethiopia ay diiradda saarayaan xoojinta ammaanka, isla markaana ay ciribtirayaan maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Baay.
Kulanka ayaa la sheegey inuu salka ku hayo sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobolka Bay maadaama uu maamulkii ku meelgaar ahaa waqtigiisii uu dhamaadey.
Daafeet.Com